Dhalinyarro laga soo wareejiyay Nisa, kuna so biiray Booliska ayaa loo qabtay Munaasab soo dhoweyn ah.

Dhalinyarro laga soo wareejiyay Nisa, kuna so biiray Booliska ayaa loo qabtay Munaasab soo dhoweyn ah.

Xaflad si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday Muqdisho, Munaasabadan oo lagu qabtay xerada gaadiidka ciidanka ayaa ujeedkeedu ahaa sidii loo soo dhoweyn lahaa dhalinyaro ka tirsanaa Hay’adda nabad sugida balse iminka ka mid noqonaya Booliska soomaaliyeed.

Kooxda fanaaniinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa halkaasi ku soo bandhigay heeso , gabayo iyo ruwaayad ay ku wacyi galinayeen ciidamada cusub ee Booliska kaga soo biirey ciidanka NISA, iyagoo u tilmaamayay dhaqanka suuban ee laga doonayo askariga Booliska iyo is dhexgalka bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay u kasban lahaayeen wada shaqeyn dhex marta Ciidanka iyo Shacabka.

Masuuliyiinta ayaa halkaasi ka jeediyay hadallo u badan wacyigelin iyo dardaaran, waxa ay kula dardaarmeen dhalinyarada in ay si daacad ah ugu shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Waxaa isla shaley loo furey ciidankaan tababar xaga is dhexgalka bulshada iyo barashada shuruucda iyo nidaamka Booliska Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo .
Ciidankaan cusub marka ay soo dhameystaan tababarada loo furey ay soo dhameystaan waxay ka howl geli doonaan xaruumaha Booliska iyo shaqada sugida amaanka iyo soo celinta nidaamka dowliga ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa isbadal weyn ka dhex wada talisyada ciidamadeeda iyo isku dhafkooda , taasoo ujeedada ka dambeysa ay tahey in la dhiso ciidan Qaran oo tayo leh oo gudan kara waajibaadkooda .


Munaasabadaan ayaa ku soo dhamaatey guul iyo farxad.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmeynaa inay kale shaqeeyaan ciidamada soo celinta amaanka iyo kale dambeynta.


Dal aan amni heysan , ma heli karo cadaalad , haloo wada istaago sidii amaan loo heli lahaa ciidan iyo shacab.

Leave a Reply