Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay goobaha lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaanka

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay goobaha lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaanka

Labo bil ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij lagu magacaabo Isxilqaan, kaas oo uu u jeedkiisa ku sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhismaha wadanka ka qeyb qaataan.

Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo oo manta furayay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa ku hadaljeedintiisa inta ay socotay ku dheeraaday Barnaamijka Isxilqaan oo uu fahfaahiyay sida uu u dhici doono, waxa uuna shaaciyay 6 xarumood oo muhiim ah oo Barnaamijkan lagu dhisi doono kuwaas oo kala ah:

1 Madxafka qaranka

2 Golaha Murtida iyo wacyigelinta dadweynaha

3 Maktabadda qaranka

4 Xaruntii dhexe ee Xisbiga

5 Muqdisho Istaadiyoom

6 Cisbitaalka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Barnaamijka isxilqaan waa olole dadweyne oo ku dhisan iskaashi si loo dhiso dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka”.

Si loo fuliyo Barnaamijka Isxilqaan ayuu sheegay Madaxweynuhu in loo mari doono guddi heer qaran oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukumadda,  bulshada rayidka ah, culumada iyo ciidamada.

26 bishii Juun ee sanadkan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan waxaana daba-socday dadaalo oo codsiga Madaxweynaha kasoo Shacab iyo shaqaalo dowladeed kuwaas oo barnaamij nadaafadeed oo Isxilqaan ah ka fuliyey dhawr meelood oo ka mid ah degmooyinka Muadisho.

Leave a Reply