SOO CELINTA HAWADA!

27-sanno kadib, soomaliya waxa ay la soo laabatay mid ka mid ah tiirarka qaranimo ee uu wadan kasta leeyahay, waa maamulka hawada soomaaliya oo markii hore ay gacanta ku haysay qaramada Midoobay lagana maamulki jiray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dadaalka dib loogu soo celinayo hawada soomaaliya ayaa dowladu xooga saartay  sida uu sheegay Madaxweynaha soomaaliya oo hadal qiimo badan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Muqdisho markii maamulka hawada soomaaliya uu gacanta u soo galay dowlada 28, Disember 2017.

Soo celinta maamulka hawada soomaaliya ayaa lagu micneeyay inuu yahay bilowga cusub ee qaranimada soomaaliya.

Leave a Reply